Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Magacaabay 21-wasiir

0

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa magacaabay golihiisa wasiirrada, waxaana la shaaciyay magacyada wasiirrada loo kala magacaabay 21 wasaaradood.

 

Dikreetada lagu magacaabay wasiirrada cusub ee Puntland waxaa warbaahinta u akhriyey Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani, liiskaan kuma jiraan wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal,kuwaasi oo dib loo dhigay magacaabistoosa.

 

Halkaan Hoose ka Akhriso magacayadda Wasiiradda la magacaabay.

 

  1. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ayaa mar kale loo magacaanay Maxamed Cabdiwahaab Axmed oo hore xilkan u hayay.

 

  1. Wasiirka Amniga iyo DDR-ta ayaa mar kale loo magacaabay Ibraahim Cartan Ismaaciil Xaaji Bakiin oo hore xilkan u hayay.

 

  1. Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa mar kale loo magacaabay Cabdi Faarax Siciid Juxa oo isna hore xilkan u hayay.

 

  1. Wasiirka Maaliyadda ayaa loo magacaabay Maxamed Faarax Maxamuud oo hore uga soo shaqeeyay Nidaamka Maaliyadda Puntland.

 

  1. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta ayaa loo magacaabay Daa’uud Maxamed Cumar

 

  1. Wasiirka Waxbarashada ayaa loo magacaabay Fu’aad Abshir Axmed Adeer.

 

  1. Wasiirka Caafimaadka ayaa loo magacaabay Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel).

 

  1. Wasiirka Hawlaha guud iyo gaadiidka ayaa loo magacaabay Faarax Cawad Jaamac.

 

  1. Wasiirka Wasaaradda Dekedaha ayaa loo magacaabay Shaakir Maxamed Guuleed.

 

  1. Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Bile Nuur.

 

  1. Wasiirka Haweenka ayaa loo magacaabay marwo Maryan Axmed Cali.

 

  1. Wasiirka Warfaafinta ayaa loo magacaabay Maxamuud Caydiid Dirir.

 

  1. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa loo magacaabay Axmed Shire Siciid.

 

  1. Wasiirka Xannaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux.

 

  1. Wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.

 

  1. Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa loo magacaabay Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa.

 

  1. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle Habar-waa.

 

  1. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ayaa loo magacaabay Liibaan Muuse Cismaan

 

  1. Wasiirka Gargaarka ayaa loo magacaabay Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

 

  1. Wasiirka Beeraha ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdiqaadir Saalax.

 

  1. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa loo magacaabay Hodon Siciid Xasan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here