Madaxweynaha Soomaaliya , Xasan Sheekh Maxamuud oo waraysi siiyay wargeyska The New York Times, ayaa sheegay in dawladiisa inay la kowsatay arrimo isbiirsaday; dagaalka argagixisada, abaaro , daadad ka dhashay roobabka, faqriga iyo tan hadda u dambeysa ee khilaafka Itoobiya.
Wuxuu ku sheegay waraysiga in Raisulwasaraha Ethopia Abiy Ahmed, soo wacay habeen ka hor inta aan lagu dhawaaqin heshiiska Somaliland iyo Ethopia, isagoo markaa u sheegaya Madaxweyne Bixi, socdaalkiisa ay ku agtahay kaliya booqasho.
“Itoobiya si xoog ah kuma qaadan karto qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan, oo gacanta ku garaacaya miiskiisa, isagoo xafiiskiisa jooga, sida waraysiga lagu sheegay.
“Tani waa waali,” ayuu ku daray Mudane Xasan Shiikh Maxamuud. “Haddii Itoobiya ay sii wado in ay sii wado arrintaas, Soomaaliya waxay xaq u leedahay in ay isku difaacdo si kasta oo ay awoodo.”
Kor u kaca xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, ayay khubaradu ka digayaan, inay gobolka gelin karto fowdo – ma aha ugu yaraan sababtoo ah ciidamada Itoobiya ayaa ka hawlgala gudaha Soomaaliya iyo xadka labada dal si ay isaga caabiyaan Al-Shabaab.
Xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday badhtamihii bishii January, ka dib markii ay Soomaaliya ka celisay diyaaradii Ethiopian Airline oo ay la socdeen masuuliyiin ka socday dalka Itoobiya, kuna soo biirtay Somaliland oo iyadu gooni-isu-taaggeeda sheegtay 1991-kii.
Kadib heshiiska Ethopia iyo Somaliland Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tilaabooyinka hoos loogu dhigayo in dhaqan gal uusan noqon heshiiska labadad dhinac waxayna taageero ka heshay Dowladdo badan iyo Ururo caalami ah.
Tilaabadii ugu dambeysay ay qaaday dowladda Soomaaliya ayaa aheyd heshiiskii 10-ka ay la gashay Dowladda Turky-ga oo biyaha Soomaaliya ka ilaalinaysa dalalka kusoo xadgubaya, inkastoo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu sheegay in heshiiska iyo khilaafka Ethopia iyo Somali uusan is quseynin,balse isku soo aadeen.

