Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh maxamuud oo ku sugan magaaladda magaaladda Nairobi ee dalka kenya ayaa halkaas kaga qeyb galaya Madaxda Caalamka Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobeey ee Isbeddelka Cimilada oo lagaga arrinsanayo dhibaatada xooggan ee caalamka ka soo food saartay dhanka cimilada, taas oo si gaar ah saameyn xooggan ugu yeelatay nolasha shucuubta dalalka soo koraya.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya shirkan caalamiga ah ayaa soo bandhigaya saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee cimilada, isagoo muujin doona dadaalka ay dowladdu ku wajahayso abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday.
“Dadka Soomaaliyeed oo ku howllan in ay iska u dulqaadaan argagixisada caqabadda ku ah noloshooda ayaa haddana waxay u nugul yihiin abaaraha, fatahaada iyo roobabka duufaanta wata, taas oo xoojinaysa in ay ka qeyb qaataan dadaal kasta oo xal loogu raadinayo dhibaatada isbeddelka cimilada”, ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay Villa Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ka hor shirka ka dhacaya Magaaladd Nairobi la kulmay Madaxweynihiisa martigalinaya shirka William Ruto iyo Madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle.
Kulanka labada Madaxweyne ee Soomaliya iyo kenya ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka diblomaasiyadda, shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.
Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Nairobi kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kala hadlay iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada dal oo ay ugu horreyaan arimaha amniga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka.
Dhanka kale Madaxweyne Ruto iyo Ra’iisul Wasaare Abiy oo kulan gaar ah yeeshay ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la ilaaliyo nabadda, amniga iyo xasilloonida qaaradda oo ah shuruud lagama maarmaan u ah kobaca dhaqaalaha iyo horumarka si waafaqsan rabitaanka caalamiga ah.
Sidaas awgeed, waxay caddeeyeen inay aqoonsadaan, ixtiraamaan oo ay dhawraan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dawladaha, iyo inay diidaan isbeddellada dawladeed ee aan dastuuriga ahayn iyo sidoo kale faragelinta hababka siyaasadeed ee gudaha ee dalalka Afrika ee danaha dibadda ah .
Lama oga in ay kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raisulwasaaraha Ethopia oo khilaaf uu ka dhaxeeyo.

