Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed oo Gaaray Magaalada Beledweyne

0

Waxaa goor dhaweyd Magaalada beledweyne ee xarunta  Gobolka Hiiraan gaaray wafdi uu Hogaaminayay Taliyaha ciidamada Booliska soomaliyeed Sareeya Gaas Maxamed sheikh xasan Xaamud.

Wafdiga waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne kusoo dhaweeyay madax ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan sida saraakiil ciidan iyo Mas’uuliyiin kale.

Generaal  Maxamed Shiikh Xasan Xaamud taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa intii aan loo soo gudbin  Gudaha magaalada  Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa Waxa uu kulan kula qaatay degaanka Ceeljaale Ee Dulledka baladweyne  saraakiisha ciidamada Midowga africa ee Amisom ee ku sugan deegankaas.

Dhan kale Taliyaha iyo saraakiisha ciidan ee lasocota ayaa la filayaa in ay kormeero ku tagaan saacadaha soo socda xarumaha ciidan ee ku yaala Gudaha Magaalada Beledweyne ee  xarunta gobolka Hiiraan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here