Wasiiru Dawlaha Caafimaadka Puntland oo Maanta loo dhaariyey Xilka Cusub ee Dhowaan loo Magcaabay

0

Waxaa maanta 17-Feb-2016 lagu dhaariyey Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe Wasiiru Dawlaha Caafimaadka Puntland  Sayid-Cumar Aadan Guuleed oo dhowaan uu xilkaasi u magacaabay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Munaasabadda dhaarinta Wasiiru Dawlaha Caafimaadka  Puntland  ayaa waxay ka dhacday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi  Xaaji Cumar  Camey.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi  Xaaji Cumar  Camey ayaa dhaarinta ka dib kula dar-daarmay Wasiiru Dawlaha in uu shaqadiisa daacadnimo u guto isla markaana la yimaado dedaal dheeraad ah si loo sii dar-dargeliyo Caafimaadka Puntland.

“waxaan kugula dar-daarmayaa in sida aad u dhaaratay aad xilkaaga u gudato, lana timaadid dedaal iyo daacadnimo dheeraad ah, isla markaana aad ka fogaatid waxkasta oo gudashada  waajibaadkaaga kaa weecinaya”ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland Eng.Camey.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sidoo kale Eebe uga baryey Wasiiru Dawlaha in uu xilka culus ee loo igmaday  uu u fududeeyo, isla markaana uu kadhigo mid wax badan kusoo kordhiya Caafimaadka Puntland.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here