Waxaa goor dhaweyd Magaalada beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan gaaray wafdi uu Hogaaminayay Taliyaha ciidamada Booliska soomaliyeed Sareeya Gaas Maxamed sheikh xasan Xaamud.
Wafdiga waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne kusoo dhaweeyay madax ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan sida saraakiil ciidan iyo Mas’uuliyiin kale.
Generaal Maxamed Shiikh Xasan Xaamud taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa intii aan loo soo gudbin Gudaha magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa Waxa uu kulan kula qaatay degaanka Ceeljaale Ee Dulledka baladweyne saraakiisha ciidamada Midowga africa ee Amisom ee ku sugan deegankaas.
Dhan kale Taliyaha iyo saraakiisha ciidan ee lasocota ayaa la filayaa in ay kormeero ku tagaan saacadaha soo socda xarumaha ciidan ee ku yaala Gudaha Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

