Howlgal lagu Soo Furtay Rag Ajaanib ah oo ka dhacay deegaanada Maamulka Galmudug

0

Ciidamada Nabad sugida Maamulka Galmudug  ayaa sameeyay Howlgal lagu soo furtay rag ajaanib ah oo lagu heystay deeganada Maamulka Galmudug.

Howlgalkaan  laga sameeyay deeganada Maamulka Galmudug ayaa la sheegay in ciidamada amaanka Maamulka Galmudug ay ugu suurta gashay in ay gacanta kusoo dhigaan ragii ka dambeeyay af-duubka raga ajaanibta.

Taliska Nabad sugida Maamulka Galmudug ayaa la filayaa In saacadaha soo socda ay si kooban ugu hadlaan arintaan soo furashada iyo gacan kusoo dhigida ragii ka dambeeyay af-duubka raga ajaanibta ah.

Dhanka kale Raga ajaanibta ayaa sidoo kale la sheegay in uu kamid yahay dhaqtar kenyaan ah oo deeganada maamulka Galmudug u yimid howlo caafimaad.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here