Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in la hakiyo in guryo laga dhiso nawaaxiga Garoonka Aden Cabdulle.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Somalia Marwo Fardowsa Osman Cigaal ayaa lagu sheegay inaan wax Guri ah laga dhisi karin, si ku meel gaar ah nawaaxiga Garoonka Aden Cabdulle.


