Booliska gobolka New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Haadi Matar oo ah 24 jir lagu eedeeyay inuu toori la dhacay qoraa Salmaan Rushdi.
Booliska oo shir jaraa’iid qabtay ayaa sheegay in Haadi uu sii diyaarsaday kaar uu ku galay goobta, falkiisana uu u muuqday mid uu soo maleegay.
Lama sheegin sababta loo weerarray Salmaan, hase yeeshee waxaa kiiska ku soo biirtay hay’adda FBI.
Salmaan oo qoorta iyo qeybo kale oo jirkiisa ah uu dhaawac ka soo gaaray ayaa xaaladdiisa lagula tacaalayaa cisbitaal ku yaalla gobolkaas, waxaana lagu sameeyay qalliin.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in la tuhunsanaha oo ku hubaysan toori uu Salmaan ugu tegay masrax uu khudbad ka jeedinayay, kadibna marar badan la dhacay mindida.
Mary Newsom oo kamid ahayd dadka goobta joogay ayaa BBC u sheegtay in aan si wanaagsan loo sugin amniga qoraaga.
Salmaan Rushdi ayaa marti u ahaa mac-hadka Chautauqua oo ah xarun waxbarasho oo ku taalla gobolka New York.
Xog badan lagama hayo heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca Salmaan Rushdi oo sanadkii 1988 si weyn uga caraysiiyay dunida Muslimka, kadib markii uu daabacay buuggiisa “Satanic Verses”.

