Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Dalka Kenya, iyo Tirinta Codadka wali Socota

0

Waxaa dalka Kenya ka socota tirinta codadka doorashada Madaxweynaha iyadoo si weyn ay isku hayaan Madaxweyne ku xigeenka William Ruto iyo Ra’iisul Wasaarihii hore, Raila Odinga.

Sarkaal sare oo ka tirsan guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in aan la jabsan nidaamka tirinta codadka doorashada Madaxweynaha Kenya xilli si weyn looga dhuursugayo natiijada doorashada madaxtinimada ee Talaadadii ka dhacday Kenya.

“Arrin noocaas ah ma dhicin, waa xog khaldan” ayuu yiri madaxa fullinta ee guddiga doorashada Kenya , Marjan Hussein Marjan.

Baraha bulshada Kenya waxaa hareeyay eedeymo ku saabsan in natiijo been abuur ah la geliyay xilli guddiga doorashada ay xaqiijinayaan codadka doorashada Madaxweynaha.

Xog tirinta codadka ah oo ay sameysay warbaahinta ayaa muujineysa in labada musharax ee ugu cadcad ee kala ah Raila Odinga iyo William Ruto ay si aad ah isugu dhaw yihiin.

Laakiin guddiga doorashada oo kaliya ayaa ku dhawaaqi kara cidda ku guuleysata doorashada – waxayna heystaan muddo toddoba maalmood ah oo ka billaabato maalintii codbixinta.

“Waxaan ka baqeynay in la jabsado nidaamkeena tirinta codadka balse waxaan xaqiijinayaa in dhammaan qalabkeena yaalla guud ahaan dalka in la sugay amnigiisa” ayuu yiri Marjan oo shaley la hadlayay warbaahinta.

Mar sii horreysay guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in aysan jirin wax cabsi ah oo ku aadan kala duwanaanshiyaha tirinta ee warbaahinta kala duwan balse natiijada kama dambeysta ah ay isku mid noqon doonto maadma ay heel meel ka soo xiganayaan isku darka codadka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here