Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanadda Labada Aqal ee Somaliland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 7 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka BFS ee hoos ku xusan.
Kuraasta la shaaciyay ayaa kala ah 1-HOP#212. 2-HOP#207 3-HOP#246. 4-HOP#258.5-HOP#259. 6-HOP#243 7-HOP#258.
Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Doorashada Xildhibaanadda Labada Aqal ee Somaliland Khadar Xariir Xuseen ayaa sheegay In doorashadda 7-da kursi ay dhici doonto taariikhda marka ay tahay 16-ka bishaan February ayna ka dhici doonto Magaaladda Muqdisho.


