Guddiga hirgelinta doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay n jadwalka doorashada 13 kursi deegaan doorashadoodu tahay Magaaladda Baraawe ee caasimadda Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya yuusuf Abduqaadir Maxamed ayaa la sheegay in doorashadda kuraasta 13-ka kursi ay dhacayso 17-ka bishaan February.


