Faah-faahin:-Dagaal Ka Dhacay Degmada Cadale ee Shabeelaha Dhexe

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ay ku qaadeen bar-kontorool ay ku sugnaayeen Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya.

Weerarkaan ayaa ka dhacay degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe,waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka,dagaalka labadda dhinac ayaa socday muddo saacado ah,waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in weerarka lagu dilay 2-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Goobta uu dagaalka ka dhacay waxaa gurmad ahaan u gaaray ciidamadda kale oo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here