sida kucad jadwalka doorashooyinka oo dhawaan ay soo saareen guddiga maamulaya doorashada xildhibaanada Gobolada waqooyi ayaa waxa lagu sheegay in maanta lasoo gabagabeenayo diiwaan galinta musharaxiinta utartama kuraasta gobolada waqooyi
guddiga doorashiiyibka xildhibaanada waqooyi ayaa waxa ay sheegeen in maanta oo sabti ay tahay maalinta ugu dambeeysa ee la qabanayo codsiyada iyo diiwaan galinta musharaxiinta iyaga oo faray qofkii danaynaya in uu ka faidaysto waqtiga lasiiyay
Diiwaan galinta waxaa xigidoona hadala jeedinta musharaxiinta islamarkaasna si tooska loo guda gali doono maalmaha soo socoda doorashada senetarada aqalka sare ee gobolada waqooyi oo
dhawaan ayaa xal laga gaaray is qabqab si ka jiray kuraasta aqalka sare ee xildhibanaada gobolada waqooyi iyadoona hada xildhibaano horay iyo ku cusub ay isu garbinayaan 11 kursi ee aqalka sare ay ku leeyihiin xubnaha gobolada waqooyi
doorashadaan waxa gacanta kuhaya Raiisul wasaare ku xigeenka dalka iyo gudoomiyaha aqalka sare iyadoona uu korjooge ka yahay Raiisul wasaare rooble
masuuliyiin kasoo jeeda dhanka gobolada waqooyi oo simba la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in wax shaki ah aysan ka qabin doorashada gobolada waqooyi oo maanta diiwaan galinteedu ay ku egtahay

