Diiwaan Galinta Musharaxiinta Gobolada Waqooyi Oo Maanta Lasoo Gabagabeynayo

0

sida kucad jadwalka doorashooyinka oo dhawaan ay soo saareen guddiga maamulaya doorashada xildhibaanada Gobolada waqooyi ayaa waxa lagu sheegay  in maanta lasoo gabagabeenayo diiwaan galinta musharaxiinta utartama kuraasta gobolada waqooyi

guddiga doorashiiyibka xildhibaanada waqooyi ayaa waxa ay sheegeen in maanta oo sabti ay tahay maalinta ugu dambeeysa ee la qabanayo codsiyada iyo  diiwaan galinta musharaxiinta iyaga oo faray qofkii danaynaya in uu ka faidaysto waqtiga lasiiyay

Diiwaan galinta waxaa xigidoona hadala jeedinta musharaxiinta islamarkaasna si tooska loo guda gali doono maalmaha soo socoda doorashada senetarada aqalka sare ee gobolada waqooyi oo

dhawaan ayaa xal laga gaaray is qabqab si ka jiray kuraasta aqalka sare ee xildhibanaada gobolada waqooyi iyadoona hada xildhibaano horay iyo ku cusub ay isu garbinayaan 11 kursi ee aqalka sare ay ku leeyihiin xubnaha gobolada waqooyi

doorashadaan waxa gacanta kuhaya Raiisul wasaare ku xigeenka dalka iyo gudoomiyaha aqalka sare iyadoona uu korjooge ka yahay Raiisul wasaare rooble

masuuliyiin kasoo jeeda dhanka gobolada waqooyi oo simba la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in wax shaki ah aysan ka qabin doorashada gobolada waqooyi oo maanta diiwaan galinteedu ay ku egtahay

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here