Qarax Xoogan Oo Lala Eegtay Ciidamo Ka Tirsan Amisom

0

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax culus oo kolonyo ka tirsan ciidamada  Burundi lagu la beegsaday deegaan hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka  Sh/dhexe.

Qaraxan waxa uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka Buurane oo qiyaastii 3Km u jira degmada Mahaaday ee gobolka Sh/dhexe waxaana qaraxaas uu dhaliyey  qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhawac kaasi  oo soo gaarey ciidmaada Burundi oo fariisimaha ku leh dagamada mahadey ee Gobol shebele dhexe.

ilo waredyo muhiim ah ayaa idaacada simba ee magalada muqdisho  u xaqiijiyey  qarax ka dhacey deegaanka buurane waxaana ay sheegen in uu jiro qasaaro balse aysan si dhab ah u cadeyn Karin  qasaara ka dhashay qaraxaani

Deegaanka Buurane oo kaabiga ku haya degmada Mahadaay waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo culus oo duleedka deegaanka lagu la beegsaday ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Burundi kuwaas oo qaarkood gaystay khasaare lixaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhawac

dhanaka kale al shabaab ayaa Bogooda Internet waxa ay ku sheegteen masuuliyada  qaraxii ka dhacey deganaka buurane oo 3k u jira dagamada mahadey ee Gobol shebele dhexe.

Qaraxaan ayaa waxa uu imaanaya iyadoo dagamada mahadey ee gobolka shabeelada dhexe  ay mudooyinkii dambe kusoo la labtey falalka lidiga amniga kuwaaa inta musuliyadooda ay dhabarka u riteen dagaalamayaasha al-shbaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here