Akhriso:- Dowladda Kenya Oo U Hogaansami Doonin Go,aanka Maxkamada ICJ

0

Iyadoo saacadii lasoo dhaafay ay maxkamada cadaalada aduunka ee Icj ku dhawaaqday in dhawaan ay shaacin doonto natiijada kiiska dacwada ee soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay dowladda Kenya bilowday abaabul kala duwan oo ay ku muujinayso sida ay ku qaadacsantahay natiijada lagu dhawaaqi doono

Qaar ka mid ah siyaasinyiinta dalka ayaana si aad ah uga digay duulaanka iyo abaabul ay Kenya ka bilowday dhanka xuduudka soomaaliya iyo Kenya

Xildhibaan zakariye maxamuud xaaji cabdi oo la hadlay idacaada simba ayaa waxa uu sheegay in dowladda Kenya ay wado qorshayaal ay ku damacsan tahay in aysan ugu hogaansamin natiijada ay ku dhawaaqeyso maxkamada icj

Waxaana uu sheegay in ay bilowday abaabul ciidan oo ay kawado dhanka xuduudka beenaadka ay wadaagaan soomaaliya iyo Kenya

Xildhibaan zakariye ayaa intaasi ku daray in dowladda  Kenya ay mar sii horeysay ka rajadhigtay kiiska dacwada badda islamarkaasna ay wado hagardaamoo ay u maleegayso soomaaliya si ay qeyb uga hesho dhulka iyo biyaha soomaaliyeed

Waxaana uu xildhibaanku sheegay in Kenya dadka soomaaliyeed ay dagaal la gali doonan mar hadii madaxkamadu ay inoo xukmiso qeybo ka mid ah biyaha soomaaliya oo ay muran galisay Kenya

Hadalka xildhibaanka ayaa waxa uu imaanaya xili dowladda kenya ay bilowday dhaqdhaqaayo ay ku diidantahay nitiijada kiiska bada oo 12 bisha soo socota la shaacin doono

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here