mamaulka degmada guriceel ayaa waxa warkasoo saaray xaalada amni ee magaalada xili Maleeshiyaad hubeysan ay kusoo badanayeen gobolka galgaduud
kooxda ahlusuna ayaa dhawaan abaabul xoogan oo ciidan la bilaabay degmada guriceel waxaana arintaasi ay keentay in uu qalqal galo amniga magaalada
waxaana maamulka degmada uu wacad ku maray in ay gacan bir ah ku qabanayaan amniga guud ee magaalada guriceel
taliyaha ciidanka booliska degmada guriceel ayaa waxa uu ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xaalada amni ee magaalada
Waxaana uu sheegay in amniga magaalada uu haatan wanaagsanyahay islamarkaasna ay xoojinayaan sii amniga ay gacanta ugu heyn lahaayeen
taliyaha ayaa waxa uu sheegay in ay bilaabeen howlgalo baaritaano ah oo guryaha lagu baarayo si amniga loo xaqiijiyo
isagoo intaasi ku daray in aysan aqbali doonan in mugdi la geliyo amniga magaalada
waxaana uu fariin adag udiray cidkasta oo wada abaabulka dhanka ah mamaulka galmudug oo amniga lagu qalqalgalinayo ay gacanta kusoo dhigidoonan islamarkaasna ay dagaal la galin doonaan

