Iyadoo saacadii lasoo dhaafay ay maxkamada cadaalada aduunka ee Icj ku dhawaaqday in dhawaan ay shaacin doonto natiijada kiiska dacwada ee soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay dowladda Kenya bilowday abaabul kala duwan oo ay ku muujinayso sida ay ku qaadacsantahay natiijada lagu dhawaaqi doono
Qaar ka mid ah siyaasinyiinta dalka ayaana si aad ah uga digay duulaanka iyo abaabul ay Kenya ka bilowday dhanka xuduudka soomaaliya iyo Kenya
Xildhibaan zakariye maxamuud xaaji cabdi oo la hadlay idacaada simba ayaa waxa uu sheegay in dowladda Kenya ay wado qorshayaal ay ku damacsan tahay in aysan ugu hogaansamin natiijada ay ku dhawaaqeyso maxkamada icj
Waxaana uu sheegay in ay bilowday abaabul ciidan oo ay kawado dhanka xuduudka beenaadka ay wadaagaan soomaaliya iyo Kenya
Xildhibaan zakariye ayaa intaasi ku daray in dowladda Kenya ay mar sii horeysay ka rajadhigtay kiiska dacwada badda islamarkaasna ay wado hagardaamoo ay u maleegayso soomaaliya si ay qeyb uga hesho dhulka iyo biyaha soomaaliyeed
Waxaana uu xildhibaanku sheegay in Kenya dadka soomaaliyeed ay dagaal la gali doonan mar hadii madaxkamadu ay inoo xukmiso qeybo ka mid ah biyaha soomaaliya oo ay muran galisay Kenya
Hadalka xildhibaanka ayaa waxa uu imaanaya xili dowladda kenya ay bilowday dhaqdhaqaayo ay ku diidantahay nitiijada kiiska bada oo 12 bisha soo socota la shaacin doono
