Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM.
warkaan kasoo baxay oo daqiiqado ka hor kasoo baxay dowladda ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili maalmo uu dib u dhacay shirka madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah oo la filayay in maalinta sabtid aheyd ee aan soo dhaafnay in uu ka furmo magalaada muqdosho ee caasimada dalka
maantay ayaa lagu wadaa in si rasmi ah ugu dambeeyen uu shirku uu uga furmo magalaada muqdisho

