Saacaadahii aan ka soo gudubnay al-shabaab ayaa waxa ay lix qofood oo ay ku jirto qof dumara waxa ay ku toogteen degmada saakow ee gobolka jubbada dhexe
Al-shabaab wararka ay ku baahiyaan barahooda dhinaca interneetka waxa ay ku sheegeen in Dadkaan la toogtay ay ahaayeen dad xukun ku riday maxkamadda al-shabaab islamarkaasna lagu eedeeyay Jawaasiisnimo oo u shaqaynayeen sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.
Tirada dadkaan basaanimada lagu eedeeyay ayaa al-shabaab waxa ay ku sheegeen lix xubnood ay ahayeen waxaaana ay sheegeen in ay ka qeyb qaateen howlgallo kala duwan oo ka dhan ah al-shabaab kuwaas oo Maraykanku ka fuliyay deegaanada jubbooyinka
Iyagoo intaasi loogu daray in dadkaan al-shabaab ay ku fuliyeen xukunka ay ka dambeeyeen duqeymo ka dhacay gobolka jubbada dhexe
Warka kasoo baxay al-shabaab ayaa waxa lagu sheegay in Qaadiga maxkamdda uu goob fagaaro ah oo ay soo xaadireen kumannaan dadwayne ah uu ka akhriyay xukunka lagu fuliyay dadkaan lagu eedeeyay in ay u basaasayeen sirdoonka Maraykanka.
dadkaan ayaa waxa magacyadooda lagu kala sheegay
1_ Cumar Cabdi Qaadir Hiiraale (36) jir u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka.
2_ Cabdi Xassan Axmed oo (29) jir ah oo lagu soo eedeeyay in uu u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.
3_ Fartuun Cumar Abkow (36) jir oo iyana u shaqaynaysay CIA-da Maraykanka.
4_ Ibraahim Cumar Cali (55) jir ah oo u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.
5_ Saaddaam Cismaan Maxamed (21) jir u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA.
6_ Aweys Xassan Xaaji Maxamed oo da’diisu tahay (36) jir u shaqaynayay Sirdoonka Maraykanka.
.

