warar naga soo gaaraya koonfurta gobolka mudug ayaa waxa ay kusoo warayaan in dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda in saakay laga dareemayo deegaanka wisil ee gobolka mudug
maamulka galmudug ayaa waxa uu sheegay in ciidamo farabadan la geeyay deegaanka wisil oo shalay ay al-shabaab ku qaadeen weerar qaraxyo ku bilowday
waxaana saakay halkaasi ciidamada daraawiishta mamaulka galmudug ay wadaan howlgalo iyo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah dagaalamayaasha al-shabaab
dadka deegaanka ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saakay deegaanka lagu arkayo ciidamo wata dareyska ciidanka oo dhaqdhaqaaqyo ka wada deegaanka wisil waxaana ay sheegeen in ka qabsi qabaan in markale deegaanka uu ka qarxo dagaal udhexeya ciidamada maamulka galmudug iyo al-shabaab
warar ayaa intaasi ku daraya in al-shabaab ay dhankooda kaabiga ku hayaan deegaanka islamarkaasna ka 21 km meel u jirta deegaanka ay ku sugan yihiin
waxaana baqdin xoogan lagamuujinayaan in markale ay weerarku qaadaan deegaanka wisil ee dhaca waqooyiga degmada hobyo ee gobolka mudug
arintaan ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xili al-shabaab weerar toos ah iyo qaraxyo ay ku qaadeen saldhig ciidamada daraawiishta maamulka galmudug ay ku lahaayeen deegaanka wisil ee gobolka mudug

