Al-Shabaab Oo Goob Fagaaro ah Ku Toogtay Dad Ay Ku Eedeeyeen Inay Ahaayeen Basaasiin

0

Saacaadahii aan ka soo gudubnay al-shabaab ayaa waxa ay lix qofood oo ay ku jirto qof dumara waxa ay ku toogteen degmada saakow ee gobolka jubbada dhexe

Al-shabaab wararka ay ku baahiyaan barahooda dhinaca interneetka waxa ay ku sheegeen in Dadkaan la toogtay ay ahaayeen dad  xukun ku riday  maxkamadda al-shabaab islamarkaasna lagu eedeeyay Jawaasiisnimo oo u shaqaynayeen sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.

Tirada dadkaan basaanimada lagu eedeeyay ayaa al-shabaab waxa ay ku sheegeen lix xubnood ay ahayeen waxaaana ay sheegeen in ay ka qeyb qaateen   howlgallo kala duwan oo ka dhan ah al-shabaab kuwaas oo  Maraykanku ka fuliyay deegaanada jubbooyinka

Iyagoo intaasi loogu  daray in dadkaan al-shabaab ay ku fuliyeen xukunka ay ka dambeeyeen duqeymo ka dhacay gobolka jubbada dhexe

 

Warka kasoo baxay al-shabaab ayaa waxa lagu sheegay in Qaadiga maxkamdda uu goob  fagaaro ah oo ay soo xaadireen kumannaan dadwayne ah uu ka akhriyay xukunka lagu fuliyay dadkaan lagu eedeeyay  in ay  u basaasayeen sirdoonka Maraykanka.

dadkaan ayaa waxa magacyadooda lagu kala sheegay

1_ Cumar Cabdi Qaadir Hiiraale (36) jir u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka.

2_ Cabdi Xassan Axmed oo (29) jir ah oo lagu soo eedeeyay in uu u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.

3_ Fartuun Cumar Abkow (36) jir oo iyana u shaqaynaysay CIA-da Maraykanka.

4_ Ibraahim Cumar Cali (55) jir ah oo u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.

 

5_ Saaddaam Cismaan Maxamed (21) jir u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA.

6_ Aweys Xassan Xaaji Maxamed oo da’diisu tahay (36) jir u shaqaynayay Sirdoonka Maraykanka.

.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here