Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Oo Goordhaw Lagu Dilay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya askari ka tirsan ciidamada dowladda oo mantay lagu dilay xaafad ka tirsan degmada yaaqshiid ee gobolkani banaadir

Rag bastoolada ku hubeysan ayaa waxa la sheegay in gudaha degmada yaaqshiid ay ku toogteen askarigaan ka tirsanaa ciidamada dowladda

Wararku ay sheegayaan in askariga la dilay uu ka tirsanaa askarta mana shiibiyada ee lacahgaha canshuurta ah  ka aruurya dadka shacabka ah  waxaana la sheegay in dilka kadib ay goobta iskaga baxsadeen ragii dilkaasi geeystay

Al-shabaab ayaa masuuliyada sheegtay masuuliyada dilkaani iyagoo sheegay in rag ka tirsan ay xaafada juugnal ee degmada yaaqshiid ay  ka fuliyeen  dilka sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda

Waxaana ay sheegeen in Sarkaalka lagu dilay juungal lagu magacaabi jiray Cabdi salaan cabdi llaahi oo ku magac dheeraa maandhow

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay waxaana ay halkaasi ayka qaadeen meydka askariga la dilay

Sidookale waxa ay halkaasi ka bilaabeen baaritaano iyo howlgalo ay ku baadigoobayaan ragii ka dambeeyay dalkaani

Dilka sarkaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay  ay sii kordhiyeen dilalka qorsheysan ee  saraakiisha iyo askarta dowlada federaalka kuwaasi oo laga fulinayay  gudaha magaalada caasimadda ah ee muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here