Waxaa maantay lagu wadaa in magaalada muqdisho ee caasimada dalka ay soo gaaray qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyda dalka kuwaasi oo ka qeyb galaya shirkii uu iskugu yeeray raiisul wasaare maxamed xuseen rooble
Madaxweynaha maamulka koonfurgalbeed cabdicasiis xasan maxmed ayaa sagu soo gaaray caasimada ,waxaana la filayaa in maatay ay madax kale yimaadaan si ay uga qeyb galaan shirka looga hadlayo arimaha doorashooyinka oo uu hogaaminayo raiisul wasaare rooble
Shirkaan la iclaamiayay ayaa waxa uu umuuqdaa in maalmo uu dib u dhac ku yimaado sababo la xariira todobaadka xuriyada oo la gudagalay islamarkaasna ay wali socdaan munaasabado kala duwan oo lagu xusayo maalmahaan qiimaha qeyn ku leh umada soomaaliyeed
Shirka golaha wadataishiga qaran oo ay iskugu imaanayaan madax dowladda iyo maamul goboleedyada ayaa waxa lagu lafa gurayo waxyaabihii ka dhaqan galay heshiis 27 may ay ku gaareen madaxda qaranku

