Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Qaar Oo Maantay Muqdisho Kusoo Wajahan

0

Waxaa maantay  lagu wadaa in magaalada muqdisho ee caasimada dalka ay soo gaaray qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyda dalka kuwaasi oo ka qeyb galaya shirkii uu iskugu yeeray  raiisul wasaare maxamed xuseen rooble

Madaxweynaha maamulka koonfurgalbeed cabdicasiis xasan maxmed ayaa sagu soo gaaray  caasimada ,waxaana la filayaa in maatay ay madax kale yimaadaan si ay uga qeyb galaan shirka looga hadlayo arimaha doorashooyinka oo uu hogaaminayo raiisul wasaare rooble

Shirkaan la iclaamiayay ayaa waxa uu umuuqdaa  in maalmo uu dib u dhac ku yimaado sababo la xariira todobaadka xuriyada oo la gudagalay islamarkaasna ay wali socdaan munaasabado kala duwan oo lagu xusayo  maalmahaan qiimaha qeyn ku leh umada soomaaliyeed

Shirka golaha wadataishiga qaran oo ay iskugu imaanayaan madax dowladda iyo maamul goboleedyada ayaa waxa lagu lafa gurayo  waxyaabihii ka dhaqan galay heshiis 27 may ay ku gaareen madaxda qaranku

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here