Askar U Dhimatay Rasaas Loogu Dabaaldagayay Xuska 26 juun

0

warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya ciidamo ka tirsan dowladda oo xalay  u geeriyoodeen rasaas loo dabaaldagayay xuska munaasabada 26 juun oo ah maaalintii ay gobolada waqooyi xurmada ka qaateen gumeystii ingiriiska

ilaa 2 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa waxa la sheegay in ay ku geeriyoodeen rasaasta dab ribka ah ee lagu xusayay maalintaan qiimaha badan ee 26 juun

falkaan ayaa waxa uu ka dhacay gudaha munaasabad lagu qabtay magaalada jowhar ,waxaana la tilmamaay in munaasabadaan ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan maamulka hirshabeele

wararka qaar ayaa sheegaya in dilka askartaan uu ka dhashay kadib markii ay is rasaaseeyeen laba ciidan oo kawada tirsan dowladda kuwaasi oo kala ah ciidamada sida gaar ka ah utababaran ee haramcad iyo ciiidamo militari ah

wali majirto wax wara oo kasoo baxay maamulka hirshabeele oo faahfaahin looga bixinayo sida saxda ah ee ay sababsadeen ciidamada xalay ku geeriyooday magaalada jowhar kuwaasi oo la sheegay in cabadiihii dabaaldaga ay ku dheceen

marmarka qaar waxaa dhacda in ay dhimasho iyo dhaawac sababaan rasaasta loogu dabaadagayo farxada maalmaha xuriyada iyadoona ay sanad ka hor sidaan oo kala rasaas loogu dabaal dagayay xuska maalmaha xuriyada ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah gaar ahaana caruur

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here