Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerrar khasaare geystay oo lagu qaaday saldhig ciidamada maamulka jubbland ay kulahaayeen duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka jubbada hoose
weerarkaan ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka baar sanguuni ee duleedka magaalada kismaayo,waxaana uu yimid kadib markii la sheegay in rag hubeysan ay weerar xoogan la beegsadeen saldhiga ciidamada jubbaland ee deegaankaasi
khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in weerarkaan uu ka dhshay
al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan waxa ay sheegeen in dagaalyahano ka tirsan ay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhiga ciidamada daraawiishta jubbland ee deegaanka barsanguuni
al-shabaab wararka ay ku baahiyaan barahooda dhinaca interneetka ayaa waxa ay ku sheegeen in madaafiicda oo ahaa kuwa xooggan ay gudaha u dhaceen saldhigga, Waxaana halkaas ay sheegeen in ay ku dileen hal skari islamarkaasna ay ku dhaawaceen laba askari oo kale
Goobjoogeyaal ayaa soo sheegay inay arkayeen uuro madow oo cirka isku shareertay, iyadoona ay dadku arkayeen madaafiicda oo ku hoobanayay gudaha saldhigga ayaa lagu yiri war qoraal ah oo al-shabaab ay ku baahiyeen barahooda intarneetka
al-shabaab ayaa inta badan weeraro la beegsada ciidamada maamulka jubbaland iyo kuwa amisom saldhigyada ay ku leeyihiin gobolada dalka ,waxaana ay dhowr jeer guulo ka sheegteen sidaan oo kale weeraro ka dhacay gobolada jubooyinka

