Ciidamada Dowladda Faderaalka soomaaliya ayaa howlgalo qorsheysan saacadiihii lasoo dhaafay ka fuliyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bay
Howlgaladaan ayaa waxa ay saraakiisha ciidamada dowladdu ku sheegeen in ay ahaayeen kuwa ka dhan ah dagaalamayaasha al-shababaab Islamarkaasna lagu ladagaalamayay
Waxaana la sheegay in ciidamada dowladda ee howlgaladaan sameeyay uu hogaaminayay
Gudoomiyaha Degmada Diinsor ee bay Mudane Cabdisalaan Xaaji Siidow
War qoraal ah oo kasoo baxay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaan oo laga fuliyay Degano hoos yimada degmada diinsoor ay iskakaashadeen ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta maamulka koonfur galbeed soomaaliya
Saraakiisha ciidanka dowladda ee howlgalkaan hogaaminayay ayaa guulo ka sheegtay waxaana ay tilmaameen in ujeedka howlgalka laga lahaa lagu guuleystay lamarkaasna guud ahaanba amniga lagu xaqiijiyay dadkuna ay haatan dareemayaan xasilooni
Ciidamada dowladda ayaa muddooyinkii dambe dagaalo mdhowr ah al-shabaab kula galay deegaano ka tirsan gobolada bay iyo bakool
Waxaana jirtay in dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo iska soo horjeeda ay kasocdeen deegaano hoostaga degmada diinsoor iyo deegaano kale oo dhaca gobolka bay iyadoona la tilmaamay howlgakaan uu dabasocday falaalkaasi amniga kasoo horjeeda iyo sidii looga hortagi lahaa

