Ciidanka sida gaarka ah utababaran ee xoogga dalka soomaaliyeed ayaa howlgalo qorsheeysan kasameeyay degaano katirsan gobolka shabeelaha hoose.
Howlgalka oo ay sameeyeen ciidanka sida gaarka ah utababaran xoogga dalka iyo ururka 4-aad guutada 17-aad kumaandooska xoogga dalka gor-gor ayay ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degaanka bariire ee gobolka shabeelaha hoose kuwaasi oo ay kamid yihiin Balow iyo Nuunaay
Taliyaha Ciidanka sida gaarka ah utababaran ee xds Cabdulaahi Mustaf Cali Madaale Qaran iyo Taliyaha uruka 4-aad ee kumaandooska xoogga dalka gor-gor ayaa howlgalkani laga hortagayay dhibaatada miinooyinkaasi la sheegay in uu hoggaaminayay.

