Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay wararka la isla dhexmaraayo ee ku aadan in uu isku sharaxi doono Xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashadda Soomaaliya ka dhacaysa.
Isagoo shacab fara badan kula hadlayay Xarunta Degmadda Deyniile ayuu sheegay in hamiga arintaas ku aadan uusan haatan ku jirin,islamarkaana uusan aheyn musharax madaxweyne.
Waxa uu sheegay Maxamed Xuseen Rooble in Xukuumadiisa ay waqti galin doonto sidii dalka doorasho la isla ogol yahay ay kaga dhici laheyd,taasina ay wadadeeda hayaan haatan.
“Aniga dhankeyga ka Ra’iisal wasaare ahaan waxaan ka shaqeyn doona doorasho cadaalad ah, waxaan tusaale usoo qaadanayaa hadii aay tartamaan Raysal wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre oo musharax ah iyo madaxweyne Farmaajo iney ii siman yihiin,dan gaar ah oo aan ka leeyahay doorashadan ma jirto cid gaar ah oo aan leeyahay adigaan kuu xalinayaan ma jirto waa ii sinaanayaan dhamaan musharaxiinta waliba si cadaalad ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.
Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhaamaday ee Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo), iyo Raisulwasaarihiisa hore Xasan Cali Kheyre ayaa khilaaf uu soo kala dhexgalay kadib markii Kheyre uu isku soo sharaxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
