Ciidanka Dowladda Oo Howlgalo Ka Fuliyay Deegaano ka Tirsan Gobolka Bay

0

Ciidamada Dowladda Faderaalka soomaaliya ayaa howlgalo qorsheysan saacadiihii lasoo dhaafay ka fuliyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bay

Howlgaladaan ayaa waxa ay saraakiisha ciidamada dowladdu ku sheegeen in ay ahaayeen kuwa ka dhan ah dagaalamayaasha al-shababaab Islamarkaasna lagu ladagaalamayay

Waxaana la sheegay in ciidamada dowladda ee howlgaladaan sameeyay uu hogaaminayay

Gudoomiyaha Degmada Diinsor ee bay Mudane Cabdisalaan Xaaji Siidow

War qoraal ah oo kasoo baxay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaan oo laga fuliyay Degano hoos yimada degmada diinsoor ay iskakaashadeen ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta maamulka koonfur galbeed soomaaliya

Saraakiisha ciidanka dowladda ee  howlgalkaan hogaaminayay ayaa guulo ka sheegtay waxaana ay tilmaameen in ujeedka howlgalka laga lahaa lagu  guuleystay lamarkaasna guud ahaanba amniga lagu xaqiijiyay dadkuna ay haatan dareemayaan xasilooni

Ciidamada dowladda ayaa muddooyinkii dambe dagaalo mdhowr ah al-shabaab kula galay deegaano ka tirsan gobolada bay iyo bakool

Waxaana jirtay in dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo iska soo horjeeda ay kasocdeen deegaano hoostaga degmada diinsoor iyo deegaano kale oo dhaca gobolka bay iyadoona la tilmaamay howlgakaan uu dabasocday falaalkaasi amniga kasoo horjeeda iyo sidii looga hortagi lahaa

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here