Xildhibaanada barlamaanka maamulka jubbaland oo maantay yeelanaya kal fadhigii 3-aad, fadhigiisii 5-aad ee barlaanka jubbland ayaa codka kalsoonida ah u qaadaya meelmarinta xubnaha golaha wasiiradda cusub ee jubbaland oo uu dhawaan soo magacaabay madaxweynaha dowlad goboleedka jubbaland Axmed maxamed islaam madoobe.
wararka aanka helayno deegaanada jubbland ayaana waxa ay kusoo waramayaan in haatan xarunta barlamaanka jubbaland ay socoto qabanqaabada fidhiga xildhibaanada si ay cod ugu qadaan Ansixinta wasiirada
madaxweynaha jubbaland ayaa 20 kii bishii ina dhaaftay ee may soo magcaabay golaha cusub ee wasiirada jubbaland kuwaasi oo cabasho farabadan laga muujiyay soo xulida magacaabida wasiiradaan iyo habka awood qeyb si ahaan loo maray
waxaana kasoo horjeestay golahaani wasiirada dadka reer jubbaland garabka gobolka gedo kuwaasi oo sheegay in hadii la axsixiyo golahaasi wasiirada xita oo ay ka howlgalaan deegaanada gobolka gedo aysan la shaqeyn doonin
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa in muddo ah kadib doorashadiisii ,waxa uu soo magacaabay golahiisa cusub ee wasiirada kuwaas oo iskugu jira 23 Wasiir, 22 Wasiir kuxigeen iyo Shan wasiirro dowleyaal ah .

