Waiisrka arimaha dibada xukuumada Faderaalka soomaaliya maxamed cabdirisaaq maxamuud oovweysi gaar ah siinayay warnaahinta dowladda ayaa waxaa uu ka hadlay arimo badan oo ku sabasan siyaasada soomaaliya
Wasiirka ayaa wax laga weydiiyay khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, xiriirka soomaaliya iyo Jabuuti ee xuumaaday iyo arimo kusaabsan khilaafkii ka dhashay doorashooyinka ka dhacaya dalka
Wasiirka arimaha dibada soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in arimihii cakirnaa ee doorashooyinka heshiis laisku haleyn karo laga gaaray islamarkaasna lais wada cafiyay sida uu hadalka dhigay
Isagoo xusay in sadax qeybood ay ka imaan doonto dhaqaalaha ku baxaya doorashada kuwaas oo kala ah dhinaca dowladda oo qarashka ugu badan bixinaysa , beesha caalam iyo lacagaha laga qaadayo midowga musharaxiinta oo lagu kabidoono
Wasiirka ayaa mar wax laga weydiiyay xiriirka soomaaliya iyo januuti ka jawaabay
Waxaana uu sheegay in soomaaliya iyo jabuuti ay yihiin laba dal oo walaalo ah si gaar ahna aysan soomaaliya ka maarmin lkn kiinse ay jirto Tabasho laga qabo
Wasiirka ayaa tilmaamay in ay jirtay in jabuuti ay warbixin ka qortay soomaaliya markii ay loo xilsaaray xaqiiqo daarinta khilaafka soomaaliya iyo kenya taas oo an farxad galin soomaaliya islamarkaasna uu sheegay ay ku qaadeen talaabadii ku habooneyd warbixintaasi
Waxaana uu sheegay in jabuuti iyo soomaaliya xiriirkoodu uu wanaagsanyaahay isagoo tusaale usoo qaatay in raiisul wasaare rooble uu ka qeyb galay caleemasaarka madaxweynaha jabuuti
Wasiir maxamed cabdirisaaq maxamuud ayaa dhankale wax laga su,aalay arimaha kenya iyo soomaaliya iyo ergaygii dowladda Qatar usoo diratay soomaaliya
Waxaana uu in labada dowladood ee soomaaliya iyo Kenya uu amiirka dalka usoo diray labad dal si loo soo celiyo xiriirkii ka dhaxeyn jiray soomaaliya iyo Kenya
Wasiirka ayaana xusay in labada dalba ay aqbaleen in xiriirka lasoo celiyo
Balse wali uu khilaafka jiro islamarkaasna waxa sheegay in uu xaqiijinayo in hada socdaan dadaalo waqti hore soo bilowday oo lagu xalinayo arinta labada dowladood

