Barlamaanka jubbaland Oo Maanta Cod U Qaadaya Ansixinta Golaha Wasiirada Cusub Ee jubbaland

0

Xildhibaanada barlamaanka maamulka jubbaland oo maantay yeelanaya kal fadhigii 3-aad, fadhigiisii 5-aad ee barlaanka jubbland ayaa  codka kalsoonida ah u qaadaya meelmarinta xubnaha golaha wasiiradda cusub ee jubbaland oo uu dhawaan soo magacaabay madaxweynaha dowlad goboleedka  jubbaland Axmed maxamed islaam madoobe.

wararka aanka helayno deegaanada jubbland ayaana waxa ay kusoo waramayaan in haatan xarunta barlamaanka jubbaland ay socoto qabanqaabada fidhiga xildhibaanada si ay cod ugu qadaan Ansixinta wasiirada

madaxweynaha jubbaland ayaa 20 kii bishii ina dhaaftay ee may soo magcaabay golaha cusub ee wasiirada jubbaland kuwaasi oo cabasho farabadan laga muujiyay  soo xulida magacaabida wasiiradaan iyo habka awood qeyb si ahaan  loo maray

waxaana  kasoo horjeestay golahaani wasiirada dadka reer jubbaland garabka gobolka gedo  kuwaasi oo sheegay in hadii la axsixiyo golahaasi wasiirada xita oo ay ka  howlgalaan deegaanada gobolka gedo aysan la shaqeyn doonin

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa in muddo ah kadib doorashadiisii ,waxa uu soo magacaabay golahiisa cusub ee wasiirada kuwaas oo iskugu jira  23 Wasiir, 22 Wasiir kuxigeen iyo Shan wasiirro dowleyaal ah .

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here