Waxa saakay laga wadaan in raiisul wasaare maxamed xuseen rooble uu u ambabo magaalada jowhar ee caasimada maamulka hirshabeele
Ujeedka raiisul wasaare rooble uu u tagayo magaalada jowhar ayaa waxa lagu sheegay in ay tahay laba arimoo oo kala ah arinta fahahaada wabiaga shabeele uu ka sameeyay magaalada jowhar iyo deegaanada ku dhaw dhaw
Waxaana la filayaa in raiisul wasaaruhu uu booqsho ku tago halkii uu ka fatahay wabigu ismarkaasna uu ka qeyb qaato sidii wax looga qaban lahaa fatahaadaasi iyo saameynta ka dhalatay
Arinta labaad oo safarka raiisul wasaaruhu ku qotomo ayaa waxa lagu sheegay in ay tahay xalinta khilaaf u dhexeya maamulka hirshabeele iyo dadka reer hiiraan
Waxaana xusid madan in raiisul wasaare rooble uu shalay kulan looga hadlayay xalinta khilaaf sii daba dheeraaday reer hiiraan iyo cusub maamulka hirshabeele uu la qaatay madaxweyne cali guudlaawe iyo masuuliyiin uu ka mid ahaa taliyihii hore ee ha,ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee Nisa Abdullahi Mohamed Ali sanbaloolshe
Dhankale safarka raiisul wasaare rooble ee jowhar ayaa imaanaya xili shalay ay magaaladaasi ay gaareen wafdi balaaran oo uu hogaaminayay madaxweynaha hirshabeele

