Shirka Teendhada Afisiyooni Oo Maalintii Afaraad Galaya iyo Xogo Laga Helayo

0

Waxaa maantay lagu wadaa ib maalintiisii afaar uu galo shirka madaxada dowladda iyo kwa  maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir uga soconaya  teendhada afisiyooni ee magaalada muqdisho

shirkaan ayaa waxa la filayay in shalay oo isniin ah lasoo gabagabeeyo balse dib u dhac ayaa ku yimid kadib markii qodobada qaar laisku mari waayay ,maantay ayaana markale la sii amba qaadidoona shirka iyadoona laga doodidoono qodobnada ugu adag ee laisku fahmiwaayay

wararka ayaa sheegaya in qodobada laisku mari waayay ay tahay arinta gobolada waqooyi iyo tan gobolka gedo iyadoo shirar dhowr ah oo dhacay arintaasi fashilisay haatan wali ay arimahaasi cakiran yihiin islamarkaasna dhan loo dhaafo lawaayay

kulankii ugu dambeeyay ee shalay labada qodob waxaa la sheegay in dood dheer laga yeeshay balse laisku mariwaayay

kulamo gooni gooni ah ayaa la tilmaamay in madaxdu ay saacadiihii lasoo dhaafay ka yeesheen arintaan kulamadaasi oo ay wadeen madaxdweynayaasha dowlad goboleedyada qaar kuwaasi oo ka cararaya in shirka uu fashilmo

raissul wasaare maxamed xuseen rooble iyo masuuliyiinta kale duwan ayaa haatan wada dadaaladii ugu dambeeyay oo arimhaan xalooga gaariyo

ugu dambeyn maantay ayaa la filaya in qodobadaasi heshiis laga gaaro oo shirka lasoo xiro  islamarkaasna war murtiyeed laga soo saaro

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here