Al-shabaab Oo Madaafiic Lagu Garaacay Buuraleyda Galgala

0
FILE -- In this file photo of Thursday, Oct. 21, 2010, al-Shabaab fighters display weapons as they conduct military exercises in northern Mogadishu, Somalia. When Somalia's al-Qaida linked rebels withdrew from their bases in the capital last month, a host of explanations were offered: being outgunned or out of cash, splits in the movement, a devastating famine in their strongholds. Added to those woes was a problem familiar to politicians the world over: tax collection.(AP Photo/ Mohamed Sheikh Nor/ File)

Wararka aan ka helayno deegaanada maamulka puntland ayaa waxa ay kusoo waramayaan in weerar madaafiic loo adeegsaday xubni ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay ku qaadeen tuulada Galgala ee hoostagta buraleyda calmadow ee gobolka bari

Ku dhawaad 20 madfac ayaa la sheegay in al-shabaab ay ku garaaceen Buuraleyda galgala

Waxaana la tilmaamay in khsaare kala duwan uu ka dhashay weerarkaan madaafiicda ah

Inta la xaqiijiyay Hal askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka puntland ayaa ku geeriyooday madaaficdaasi iyadoona la sheegay in qasaaruhu uu intaasbka badan karo oo tira koob rasmi ah aan la sameyn

Tuulada Galgala waxaa dagan dad tiradoodu aysan badneyn oo shacab ah iyo ciidamada maamulka puntland oo saldhigyo ciidan halkaasi ku leh

Al-shabaab iyo ciidamada puntland ayaa inta badan ku dagaalama deegaanada dhaca buuraleyda Galgala iyo Calmadow iyadoona labada dhinac ay guulo ka kala sheegtay howlgalo iyo weeraro  toos ah oo halkaasi laga fuliyay

Sidookale Tuulada Galgala ayaa waxa ay ciidamada puntland gacantooda soo gashay oo ay qabsadeen bishii ogosto 2014

Markaas oo la sheegay in ay kala wareegeen dagaalamayaasha al-shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here