Waxaa maantay lagu wadaa ib maalintiisii afaar uu galo shirka madaxada dowladda iyo kwa maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir uga soconaya teendhada afisiyooni ee magaalada muqdisho
shirkaan ayaa waxa la filayay in shalay oo isniin ah lasoo gabagabeeyo balse dib u dhac ayaa ku yimid kadib markii qodobada qaar laisku mari waayay ,maantay ayaana markale la sii amba qaadidoona shirka iyadoona laga doodidoono qodobnada ugu adag ee laisku fahmiwaayay
wararka ayaa sheegaya in qodobada laisku mari waayay ay tahay arinta gobolada waqooyi iyo tan gobolka gedo iyadoo shirar dhowr ah oo dhacay arintaasi fashilisay haatan wali ay arimahaasi cakiran yihiin islamarkaasna dhan loo dhaafo lawaayay
kulankii ugu dambeeyay ee shalay labada qodob waxaa la sheegay in dood dheer laga yeeshay balse laisku mariwaayay
kulamo gooni gooni ah ayaa la tilmaamay in madaxdu ay saacadiihii lasoo dhaafay ka yeesheen arintaan kulamadaasi oo ay wadeen madaxdweynayaasha dowlad goboleedyada qaar kuwaasi oo ka cararaya in shirka uu fashilmo
raissul wasaare maxamed xuseen rooble iyo masuuliyiinta kale duwan ayaa haatan wada dadaaladii ugu dambeeyay oo arimhaan xalooga gaariyo
ugu dambeyn maantay ayaa la filaya in qodobadaasi heshiis laga gaaro oo shirka lasoo xiro islamarkaasna war murtiyeed laga soo saaro

