Weerar Qaraxyo Ah Oo Lagu Qaaday Saldhig Ku Yaal Magaalada Jowhar

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaare kala duwan geystay oo xalay ka dhacay degmada jowhar ee gobolka shabeelaha dhexe

Weerarkaan ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa bam gacmeed lagu weeraray fariisimo ciidamada  amisom ay ku lahaayeen magaalada jowhar

waxaana la sheegay in weerarkaan bambooyinka ah kadib la maqlayay rasaas  farabadan oo dhaceysay  kuwaas oo la tilmaamay in ay fureen ciidamada amisom la weeraray

Wararka ayaa intaasi ku daraya in  ciidamada amaanka magaalada jowhar ay gacanta ku dhigeen nin bambooyinka ku tuuray saldhiga

ila wareedyo ku sugan jowhar ayaa waxa ay sheeegeen weerarkaan uu ka dhashay Qasaare balse aysan si dhab ah u xaqiijin Karin

Ciidamada amaanka magaalada jowhar ayaa haatan waxaa lagu soo waramayaan in ay xaafadaha ay ka koobantahay  magaalada ay ka wadaan howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo kadib weerarkii qaraxyada ahaa ee xalay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here