Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaare kala duwan geystay oo xalay ka dhacay degmada jowhar ee gobolka shabeelaha dhexe
Weerarkaan ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa bam gacmeed lagu weeraray fariisimo ciidamada amisom ay ku lahaayeen magaalada jowhar
waxaana la sheegay in weerarkaan bambooyinka ah kadib la maqlayay rasaas farabadan oo dhaceysay kuwaas oo la tilmaamay in ay fureen ciidamada amisom la weeraray
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada amaanka magaalada jowhar ay gacanta ku dhigeen nin bambooyinka ku tuuray saldhiga
ila wareedyo ku sugan jowhar ayaa waxa ay sheeegeen weerarkaan uu ka dhashay Qasaare balse aysan si dhab ah u xaqiijin Karin
Ciidamada amaanka magaalada jowhar ayaa haatan waxaa lagu soo waramayaan in ay xaafadaha ay ka koobantahay magaalada ay ka wadaan howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo kadib weerarkii qaraxyada ahaa ee xalay

