Wadooyinka Qaar Ee Muqdisho Oo Saakay Xiran Iyo Dhaqdhaqaaqyo Ciidan Oo La Dareemayo

0

Waxaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoogan laga dareemaya waqooyinka magalaada muqdisho ee caasimada dalka ,waxaana ciidamada dowladda saakay ay xireen wadooyin badan oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gadiidka muqdisho

ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda ayaa waxa saakay lagu arkayaa isgoosyada waaweyn ee magaalada muqdisho ,waxaana dadka ay u diidayaan in ay wadooyinka isticmaalaan

wadooyinka saakay xiran waxaa ka mid ah isgooska dabka ,danwadaagta iyo isgooska tarabuunta iyo wadooyinka kale oo ka tirsan magaalada caasimada ah ee  muqdisho

warar lagu kalsoonan karo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsanaa milatariga soomaaliya ay  kasoo dhaqaaqeen deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe islamarkaasna ay haatan soo gareen duleedka muqdisho

ciidankaan ayaa waxa la tilmaamay  in ay ka kqasoo horjeedaan muqdo kordhinta loo sameeyay ha,adaha dowladda ,waxaana la sheegay in qaar kood ciidankaasi ay soo galeen degmada kaaraan ee gobolkani banaadir halkaasi oo ay ku suganyihiin madaxweynayaashii hore dalka

intaasi kadib dowladda ayaa ciidamo badan dhigtay wadooyinka waaweyn ee caasimada waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka magalaada muqdisho

wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidanka soo gaaray muqdisho uu ku baxay taliyaha ciidanka xooga islamarkaasna uu haatan ku jiro si ciidamadaasi looga xalin laha waxyaabaha ay ka tabanayaan iyo waxa ay doonayaan in loo sameeyo  si looga shaqqeyo sugida amniga caasimada

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here