Waxaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoogan laga dareemaya waqooyinka magalaada muqdisho ee caasimada dalka ,waxaana ciidamada dowladda saakay ay xireen wadooyin badan oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gadiidka muqdisho
ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda ayaa waxa saakay lagu arkayaa isgoosyada waaweyn ee magaalada muqdisho ,waxaana dadka ay u diidayaan in ay wadooyinka isticmaalaan
wadooyinka saakay xiran waxaa ka mid ah isgooska dabka ,danwadaagta iyo isgooska tarabuunta iyo wadooyinka kale oo ka tirsan magaalada caasimada ah ee muqdisho
warar lagu kalsoonan karo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsanaa milatariga soomaaliya ay kasoo dhaqaaqeen deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe islamarkaasna ay haatan soo gareen duleedka muqdisho
ciidankaan ayaa waxa la tilmaamay in ay ka kqasoo horjeedaan muqdo kordhinta loo sameeyay ha,adaha dowladda ,waxaana la sheegay in qaar kood ciidankaasi ay soo galeen degmada kaaraan ee gobolkani banaadir halkaasi oo ay ku suganyihiin madaxweynayaashii hore dalka
intaasi kadib dowladda ayaa ciidamo badan dhigtay wadooyinka waaweyn ee caasimada waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka magalaada muqdisho
wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidanka soo gaaray muqdisho uu ku baxay taliyaha ciidanka xooga islamarkaasna uu haatan ku jiro si ciidamadaasi looga xalin laha waxyaabaha ay ka tabanayaan iyo waxa ay doonayaan in loo sameeyo si looga shaqqeyo sugida amniga caasimada

