Ciidamo Milatari Ah Oo La wareegay Isgooska Fagax

0

Iyadoo  mudooyinkanba caasimada muqdisho ay aheed goob laga cabsi qabay in ay ku diriraan ciidamo kala taabacsan hogaanada dowlada dhexe ee Somalia iyo kuwo mucaaradka ayaa waxaa maanta isgoyska fagax ee degmada kaaraan ee gobolka banaadir la wareegay ciidamo kasoo horjeedo mudi kordhintii loosameeyay madax weynihii waqtigiisu dhamaaday ee mahamed abdullaahi farmaajo.

Ciidamadaan lawareegay isgoyska fagax ee muqdisho ayaana sida lasheegay waxaa ay kasoo ambabaxeen furimo dagaal oo aykaga sugnaayeen gobolka shabeellahaha dhexe iyadoona lasheegayo in ciidamadan uu  ujeedkoodu yahay in ay dowlada kalaabato mudo kordhinitii loo sameeyay ha adaha dowlada federaalka soomalia oo uu ugu horeeyo madax weynaha waqti xileedkiisa dhamaaday ee farmaajo.

Sida warar soo baxayo ay sheegayaan waxaa ciidamadani rabay in uu lahadlo taliyaha ciidamda xooga dalka somaliyeed janaraal odowaa yuusuf raage balse wada hadalka uu taliyaha doonayay ayaaana sida lasheegay suura galin oo fashilmay.

Saraakiisha hor boodeyso ciidamadaa ka gadoodsan mudo kardhinta loosameeyay hay adaha dowlada ayaana sida lasheegay qor sheynaaya in ay halkaa kula hadlaan warbaahinta madax banana iyadoona lasheegayo in imika ay iskugu yeereen warbaahinta madax banana si ay u cadeeyaan mooqifkooda diidanaanta mudo kordhinta loo sameeyay ha adaha dowlada.

Waxaana sida la xaqiijiyay ay ciidamadaan kasoo baxeen furimo dagaal oo kuyaala gobolka shabeellaha dhexe iyadoona lasheegayo in ciidamadan ay sheegeen in aysan kulaaban doonin furimahooda ilaa ay dowladu dib kaga laabato mudo kordhintii ay sameysatay.

Sida wararka qaar ay sheegayaan nah waxaa ciidamdaan ay gudaha muqdisho soo garaeen intooda badan xili danbe oo xalay aheed iyadoona qaarkale lasheegay in ay maalmo sii horeeyay soo gaareen caasimada iyagoona kusugnaa qeybo kamid ah degmada kaaraan ee gobolka banaadir.

La wareegida ciidamadaan   ayaa salka ku haayo sida la sheegay gadood ay ka qabaan  mudo kordhinta loo sameeyay ha,adaha kala duwan dowlada federaalka somalia.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here