Duqeymo Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Deegaano Ka Tirsan Shabeelaha Hoose

0

Ciidanka xoogga dalka oo ay iska kaashanaya  saaxiibadooda caalamka  ayaa Duqeeyntan qasaare dhaliyay ka fuliyeen deegaano ka tirsan shabeelaha hoose

Saraakiisha ciidamada xooga dalka ayaana sheegay in duqeyntaasi lagu dilay sadax xubnood  iyo saraalkiil  katirsan dagaalamayaasha al-shabaab.

Duqeeynta oo dhacday maqribnimadii xalay  ayaa waxa si gaar ah looga fuliyay  tuulooyinka Tawakal iyo Ugunji  oo hoostaga degaanka janaale ee gobolka shabeelaha hoose, Sida warbaahinta dowladda ee ciidamada ay  usheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degaanka janaale.

dowladda ayaa shaacisay magacyada saraakiisha al-shabaab duqeeynta loogu dilay ,waxaana ay sheegtay inuu  kamid ahaa Khaalid Cabdulaahi oo lagu sheegay sarkaal al-shabaab uqaabilsanaa dhanka canshuuraha ee degaanka hanta wadaag ee gobolkaasi shabeelaha hoose iyo Macalin yuusuf oo lagu sheegay in uu al-shabaab uqaabilsanaa dhanka amniyaadka gobolka shabeelaha hoose iyo sarkaal kale oo saraakiisha ciidamada ay  sheegeen inay dib ka soo gudbindoonaan magaciisa.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa intaasi kudaray sidookale duqeeynta inay ku dhinteen 5 Xubno iyo saraakiil al-shabaab iskugu jiray

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here