Ciidanka xoogga dalka oo ay iska kaashanaya saaxiibadooda caalamka ayaa Duqeeyntan qasaare dhaliyay ka fuliyeen deegaano ka tirsan shabeelaha hoose
Saraakiisha ciidamada xooga dalka ayaana sheegay in duqeyntaasi lagu dilay sadax xubnood iyo saraalkiil katirsan dagaalamayaasha al-shabaab.
Duqeeynta oo dhacday maqribnimadii xalay ayaa waxa si gaar ah looga fuliyay tuulooyinka Tawakal iyo Ugunji oo hoostaga degaanka janaale ee gobolka shabeelaha hoose, Sida warbaahinta dowladda ee ciidamada ay usheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degaanka janaale.
dowladda ayaa shaacisay magacyada saraakiisha al-shabaab duqeeynta loogu dilay ,waxaana ay sheegtay inuu kamid ahaa Khaalid Cabdulaahi oo lagu sheegay sarkaal al-shabaab uqaabilsanaa dhanka canshuuraha ee degaanka hanta wadaag ee gobolkaasi shabeelaha hoose iyo Macalin yuusuf oo lagu sheegay in uu al-shabaab uqaabilsanaa dhanka amniyaadka gobolka shabeelaha hoose iyo sarkaal kale oo saraakiisha ciidamada ay sheegeen inay dib ka soo gudbindoonaan magaciisa.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa intaasi kudaray sidookale duqeeynta inay ku dhinteen 5 Xubno iyo saraakiil al-shabaab iskugu jiray

