Warar aan ka helay gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay nabadoon can ah lagu dilay xaafad ka tirsan degmada afgooye
Kooxo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan ayaa waxa la sheegay in nabadoon ay ku dileen isaga ooh or fadhiya gurrigiiisa oo ku yaal xaafada dhagax tuur ee degmada afgooye
Alaha unaxariistee Nabadoonka la dilay ayaa waxa lagu magacaabijiray axmed maxamed mayoow ,waxaana la tilmaamay in uu ka mid ahaa dad si aad looga garan ogyahay degmada afgooye isagoo inta badan ka shaqeyn jiray nabada iyo iskusoo dhaweyn dadka si ay sheegeen dad u dhaw marxuunka
Lama oga ilaa iyo hada sababta rasmiga ah ee loo dilay nabadoon axmed mayow sidookalana lama oga cida ka dambeeysay dilka oo masuuliyadiisa qaadatay dilkaan xalay ka dhacay degmada afgooye islamarkaasna ay rag hubeysan rasaas ooda kaga rogeen marxuunkaan oo iska fiidsanayay
Wararka ayaa sheegaya in ragii dilka nabadoonka geystay ay baxsadeen goobta uu dilku ka dhacay
Inta badan xiliyada habeenkii ah ayaa waxa dilaal qorsheysan gobolada dalka ka fuliya rag hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn kuwaasi oo dilka ka dib goobta iskaga baxsada

