Golaha Amaanka Qaramada midoobe ayaa waxa ay kulan albaabadu uxiran yihiin ka yeeshay xaalada cakiran ee siyaasada soomaliya
kulankaan oo ahaa mid mid degdeg ah ayaa waxa la sheegay in looga hadlay arimo kusaabsan doorashooyinka soomaaliya iyo muranka siyaasadeed ee ka dhashay
waxaana qaramada midoobe oo walaac ka muujisay xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa ku baaqday in dib loogu wqadahadaladii lagu xalinayay arimaha doorashooyinka qaranka
kulanka golaha amaanka ayaa waxa warbixin looga dhageystay xoghaya guud ee soomaliya uqaabilsan qaramada midoobe james swan,waxaana uu ka warbixiyay halka ay mareyso xaalada soomaliya iyo xiisada ka dhalatay muddo kordhinta labada sano ah ee dowladdu ku darsatay
qaramada midoobe ayaa horay ucadeysay in marnaba aysan taageeridoonin muddo kordhinta dowladda ,waxaana ay sheegtay in qasab ay tahay in doorasho la qabto
qaramada midoobe ayaana ku celisay markale in loo baahanyahay in dib loogu laabto wadahadaladii madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada oo ka socday teendhada afisiyooni ee magaalada muqdisho

