Ciidamada Dowladda Oo Iskaga Baxay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Muddug

0

warar ka ka imaanaya gobolka mudug ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamo katirsan dowladda ay faarjiyeen saldhiyo ay ku lahaayeen deegaanka baacadweyne ee gobolka mudug

Ciidamadaan oo watay dhowr gaari oo tikniko ah ayaa la sheegay in ay u rugaansadeen deegaano ka tirsan magaalada galkacyo Halka kuwo kalana ay qabteen dhanka magaalada cadaado ee gobolka galgaduud

warar ayaa sheegaya in ciidamo watay ilaa iyo 9 gaari oo nucca dagaalka ah ay u jiheysteen dhanka magaalada gaalkacyo iyadoona 12 kalana la sheegay in ay aadeen dhanka magaalada cadaado

wararku ay intaasi kudarayaan in ciidamada dowladda ee ka baxay saldhigaya kuyaal deegaanka bacaadweyne  ay wateen ilaa iyo 21 gaari oo tikniko ah

wali laamaha amiga galmudug iyo kuwa dowlaadu faahfaahin kama bixin sababta keentay in ciidanka dowladdu ay faarujiyaan saldhigyadii ay kulahyeen deegaanka bacaadweyne

al-shabaab oo iyagu dhankooda war kasoo saaray ciidamada dowladda ee la sheegay in ay iskaga bexeen deegaanka bacaadweyne ayaa arintaasi guul ay gaareen ku tilmaamay

al-shabaab wararka ay ku baahiyaan dhinaca interneetka ayaa waxa ay ku sheegteen in ciidamada dowladdu ay ka war heleen weerar culus oo lala damacsanaa sidaaasdarteena ay dib u gurasho sameeyeen

isku soo wada aruuriyoo talaabadaan ay qaadeen ciidamada dowladda  ayaa waxa ay kusoo aadeeysaa xili muddooyinkii dambe ay ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha al-shabaab ay isku hor fadhiyeen deegaanka bacaadweyne

waxaana xusid mudan in halkaasi ay ka dheceen dagaalo faraha laiskaga gubtay oo khasaare badan dhaliyay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here