warar ka ka imaanaya gobolka mudug ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamo katirsan dowladda ay faarjiyeen saldhiyo ay ku lahaayeen deegaanka baacadweyne ee gobolka mudug
Ciidamadaan oo watay dhowr gaari oo tikniko ah ayaa la sheegay in ay u rugaansadeen deegaano ka tirsan magaalada galkacyo Halka kuwo kalana ay qabteen dhanka magaalada cadaado ee gobolka galgaduud
warar ayaa sheegaya in ciidamo watay ilaa iyo 9 gaari oo nucca dagaalka ah ay u jiheysteen dhanka magaalada gaalkacyo iyadoona 12 kalana la sheegay in ay aadeen dhanka magaalada cadaado
wararku ay intaasi kudarayaan in ciidamada dowladda ee ka baxay saldhigaya kuyaal deegaanka bacaadweyne ay wateen ilaa iyo 21 gaari oo tikniko ah
wali laamaha amiga galmudug iyo kuwa dowlaadu faahfaahin kama bixin sababta keentay in ciidanka dowladdu ay faarujiyaan saldhigyadii ay kulahyeen deegaanka bacaadweyne
al-shabaab oo iyagu dhankooda war kasoo saaray ciidamada dowladda ee la sheegay in ay iskaga bexeen deegaanka bacaadweyne ayaa arintaasi guul ay gaareen ku tilmaamay
al-shabaab wararka ay ku baahiyaan dhinaca interneetka ayaa waxa ay ku sheegteen in ciidamada dowladdu ay ka war heleen weerar culus oo lala damacsanaa sidaaasdarteena ay dib u gurasho sameeyeen
isku soo wada aruuriyoo talaabadaan ay qaadeen ciidamada dowladda ayaa waxa ay kusoo aadeeysaa xili muddooyinkii dambe ay ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha al-shabaab ay isku hor fadhiyeen deegaanka bacaadweyne
waxaana xusid mudan in halkaasi ay ka dheceen dagaalo faraha laiskaga gubtay oo khasaare badan dhaliyay

